Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gudoonka Golaha Shacabka BFS oo beeniyey warqad lagu faafiyey baraha bulshada

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu beeninayaa warqad saacidihii lasoo dhaafay baraha bulshada lagu baahinayay.

Warqada ayaa sheegeysay in Guddoonka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu qabtay mooshin ujeedadiisa tahay codsi heshiisyadii amni ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Itoobita iyo Imaaraadka Carabta.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed ku wargelineynaa in ay warqadan been abuur tahay oo aan waxba ka jirin islamarkaana aysan ku kadsoomin” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay gudoonka golaha shacabka.

Ugu dambeyn Golaha Shacabka gaar ahaan xafiiska xoghayaha guud oo sida gaarka ah saxiixiisa loo adeegsaday waxa uu xaqiijinayaa in warqadan ay tahay been abuur sal iyo raad toona laheyn.

Related posts

Gabar Dharbaaxday Askari Israa’iili ah oo xabsiga lgaa sii daayay

Caydiid Ali

Madaxweyne Caan ah oo is Casilay kadib markii Dacwad kusoo oogtay Maxkamada Hague

Cabdi Cade

Xukun dil ah oo maanta lagu fuliyay askari Shalay dil u geestay Wiil Bajaajle ahaa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---