Guddoonka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qabtay mooshin ujeedadiisa tahay codsi heshiisyadii amni ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Itoobita iyo Imaaraadka Carabta.
Qaar kamid ah xildhibaanada golaha Shacabka ayaana mooshinkan ay uga soo horjeedaan heshiishka xukuumadda Federaalka Soomaaliya la gashay dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka gacanta u galiyay guddonka golaha Shacabka.
Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis iskaashi oo dhinaca amniga ah horey ula gashay dowladaha Imaaraadka iyo Itoobiya, waxa ayna xildhibaanadan codsadeen in heshiiska la horkeeno dibna loo eego.
Mooshinkan loo gudbiyay guddoonka golaha Shacabka ayaa imaanaya xilli dowladda Itoobiya bilowday in ay damaaciso biyaha Soomaaliya, iyadoona heshiis ay ka carrootay dowladda Federaalka la gashay maamulka Somaliland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com