Allbanaadir.com
NEWS

Dibad- bax balaaran oo looga soo horjeedo Damaca Itoobiya oo ka dhacay Boorame

Waxaa maanta magaalada Boorame ee caasimadda gobolka Owdal ka dhacay bannaan-bax balaaran oo looga soo horjeeday heshiiskii dhawwaan Adis Ababa ku gaareen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Ra’isul Wasaare Abiy Axmed.

Shacab badan oo carreysan ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka magaalada Boorame, waxa ayna dadkan si weyn uga soo horjeedeen heshiiska Itoobiya lagu siinayo dhul badeed Soomaaliya leedahay.

Dadka dibad-baxa dhigayay ayaa ku qeylinayay ‘badayadu iib maahan’ , waxa ay sidoo kale ku dhawaaqayeen ereyo kale oo ay ku diidan yihiin in dowladda Itoobiya la siiyo qeybo kamid ah dhulka Soomaaliya.

Qaar kamid ah dadka dhigayay bannaan-baxa ayaa si weyn uga soo horjeestay heshiiska Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, waxa ayna dadkan sheegeen in aysan marnaba aqbali doonin in Itoobiya la siiyo biyaha Soomaaliya qeybo kamid ah.

Ciidamada ammaanka maamulka Somaliland ayaa ku guul dareestay in ay fashiliyaan kana hortagaan dibad-baxan maanta ruxay magaalada Boorame, waxa ayna dadka isku soo baxay dareenkooda ku muujinayeen si nabdoon.

Heshiiska maamulka Somaliland iyo Itoobiya gaareen ayaa dhaliyay carro badan oo Soomaali weyn ka timid, waxaana heshiiskaasi kaliya laga taageeray magaalada Hargeysa iyo deegaanno kale oo Somaliland katirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Shirka dib u dhiska dalka oo Muqdisho ka furmay & Khayre oo ka qeyb galay (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Puntland oo DF ku eedeeysey iney dagaal kula jirto nidaamka federaalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---