Waxaa maanta magaalada Muqdisho aas Qaran loogu sameeyay abaanduulihii Ururka 18aad Kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka oo shalay ku dhintay dagaalka ciidanka dowladda Al Shabaab kula galeen Koofurta gobolka Mudug.
Saraakiil, mas’uuliyiin iyo boqolaal dadweyne ah ayaa ka qeyb galay aaska Alle ha u naxariistee Korneyl Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suulnuuge) waxaana allaah ay uga baryeen boqolaalka aaskiisa ka qeyb galay inuu shahaadada u aqbalo.
Wasiirka wasaaradda Qorsheysta Xukuumadda Soomaaliya Beene Beene oo ka hadlay goobta duugta ka socotay ayaa sheegay in Suulnuuge uu ahaa geesi, waxa uuna xusay in sannado badan uu hormuud u ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in abaanduule Suulnuuge uu ahaa sargaal qiimo badan oo Qaranka ka baxay, waxa uuna tilmaamay in uu sii socon doono dagaalkii uu qeybta ka ahaa Suulnuuge kana adkana doonaan Al Shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com