Lacag abaal-marin ah ayaa degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud lagu siiyay xubno katirsan ciidanka deegaanka , kuwaa oo la sheegay in dilal usoo geesteen xubno katirsanaa kooxda Al Shabaab ay ku jiraan saraakiil.
Xildhibaan Yaasiin Farey oo katirsan xildhibaanada golaha Shacabka ayaa lacag gaareysa 7,500 oo dollar abaal-marin ahaan u siiyay ciidanka deegaanka Macawuusleyda, kuwaa uu ku dhiiro-galiyay howlgalo ka dhan ah Al Shabaab oo ay fuliyeen.
Cabdi Muxudiin Dhalaweyn oo maalmo kahor soo dilay sargaal katirsanaa Al Shabaab oo lagu magacaabi jiray Bashiir Ciidle , ayaa la siiyay lacag gaareysa 2-kun oo dollar, lacagtaasi ayaana ninkan dilka soo geestay loo siiyay abaal-marin ahaan.
Ninkan katirsanaa horjoogayaasha Al Shabaab ee la dilay ayaa lagu eedeeyay in uu masuul ka ahaa dad kasoo jeeda degmada Ceeldheer oo ay dileen kooxda Al Shabaab, waxaa sidoo kale ninkan la sheegay in dhibaatooyin badan horey ugu geestay dadka deegaanka.
Saraakiisha ciidanka Macawuusleyda hoggaamineysa ayaa ka mahad-celiyay lacag abaal-marin ah ee la siiyay xubno katirsan Macawuusleyda, kuwaa oo fuliyay howlgalo lagu dilay xubno katirsanaa Al Shabaab , kuwa kalana nolosha loogu qabtay.
Macawuusleyda ku sugan degmada Ceeldheer iyo deegaanno hoostaga ayaana sheegay in ay sii xoojin doonaan howlgalada ay ku ugaarsanayaan xubnaha katirsan Al Shabaab, si ay ugu helaan abaal-marino .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com