Ciidamada Ruushka ee ku sugan gudaha dalka Ukraine ayaa xoojiyay duqeymaha iyo weerarada kale ay ka fulinayaan gudaha dalkaasi,waxaana duqeymihii ugu dambeeyay ku dhintay dad badan oo shacab ah.
Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in dowladda Ruushka duqeymaha ay ka wado gudaha Ukraine u adeegsaneyso gantaalada halista ah , gaar ahaan nuuca ridada dheer oo ay ka heleen dowladda Kuuriyada Waqooyi.
Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka John Kirby ayaana cadeeyay in ay hayaan caddeymo muujinaya in Kuuriyada Waqooyi gantaalo nuuca ridada dheer ku taageertay Ruushka, si ay uga caawiyaan duullaanka Ruushka ku qaaday Ukraine.
John Kirby ayaa sheegay in Mareykanka uu arrintan horgeyn doono Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana uu cunaqabateyn dheeraad ah ku soo rogi doono dadka ka shaqeeya fududeynta isu gudbinta hubka.
Dowladda Iran ayaa horey iyana loogu eedeeyay in ciidamada Ruushka siiyeen diyaaradaha wax duqeeya nuuca aan duuliyaha laheyn, waxa ayna Ruushka dagaalka Ukraine u adeegsanayaan hub culus uu meelo kala duwan ka helay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com