Allbanaadir.com
NEWS

Xisbullah oo in ka badan 60-Gantaal ku duqeeysay saldhig laga hago hawada Israa’iil

Xisbullah ayaa in ka badan 60 gantaal ku ridday “saldhigga laga hago hawada Israa’iil” taasoo ay ku tilmaantay “hordhac” falcelin ah kadib dilkii Saleh Al-Arouri, oo ahaa ku xigeenka madaxa xafiiska siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Beirut.

Bayaan uu soo saaray ururka Xisbullah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Press, ayaa lagu yiri, “Iyadoo ay qayb ka tahay fal-dambiyeedkii bilowga ahaa ee lagu dilay hoggaamiyihii weynaa ee Sheekh Saalax Al-Arouri iyo walaalihiis ku shahiiday ee ka dhacay duleedka koonfureed ee magaalada Beyruut, waxay iska caabintu la beegsatay saldhigga laga hago hawada Meron oo leh 62 gantaal oo noocyo kala duwan leh.”

Saldhigga Meron waa mid ka mid ah labada saldhig ee ugu waaweyn ee Israel u adeegsato xarumaha maamulka, ilaalinta iyo hagidda hawada, wuxuuna ku yaallaa dusha buurta Jarmaq ee waqooyiga.

Sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee France-Press, ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ay ogaadeen ku dhawaad 40 gantaal oo laga soo riday dhulka Lubnaan subaxnimadii Sabtida ee deegaanka Mount Meron ee waqooyiga.

Dhawaqa Seeriga ayaa laga maqlay magaalooyinka waqooyiga Israa’iil, iyo buuraha Golan ee Suuriya ee ay Israa’iil haysato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska Booliska oo u digay ganacsatada & ciidan dharcad ah oo la dhigay Suuqyada Muqdisho

Caydiid Ali

Saciid Ciise: “Hobyo Ma ogola dadkeedu in Heshiis Itoobiya lagula galo Dekedeeda”

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo Xilka ka qaaday Taliyihii ciidanka PMPF, Mid kalena Magacaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---