Taliska Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa caawa Duqeymo dhanka cirka ah ku dilay 26 xubnood oo mid ka mid ah uu ahaa horjoogihii kooxdaasi.
War kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalkaan ayaa caawa laga fuliyay meel u dhaw Deegaanka Jeex-jeex Ee Gobalka Mudug oo kooxdaan ay ka qoteen godad, waxayna sidoo kale ay isku ilaalinayeen dhul kayma ah, maanta ilaa caawa waxaa dultaagnaa diyaaradaha dagaalka. Caawa ayaa diyaaradu duqeysay iyagoo godadka ka soobaxay maadaama ilaa maanta ay Isku qarinayeen dhulka ka hoos, sida warka dowladda lagu sheegay.
Ciidamada XDS iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa laba jibaaray howlgallada dhulka iyo cirka ah, waxaana maanta Howlgalkii dagaal Ee ka dhacay Mudug kooxda Al Shabaab la sheegay in looga dilay in ka badan 50 ruux oo maleeshiyaad ah, waxaana laga weeraray dhulka iyo dusha sare.
Sidoo kale Duqeynta ayaa lagu bur buriyey gaari Deyno ah oo ay la Socdeen Horjogayaal iyo dagaalamayaal ka tirsan Khawaarijta
Dowladda ayaa sheegtay in maalmaha soo aadan la soo afjari doono Howlgalka ka socda gobalka Mudug, gabi ahaan Al Shabaab laga suuli doono Goobaha ay ka qoteen godadka ay gabaadka moodeen.