Ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ee ka socday magaalada Muqdisho ayaa si KMG ah loo hakiyay, kaddib go’aan kasoo baxay xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay xiriirka kubadda cagta ayaa muddo hal maalin ah lagu hakiyay ciyaartii dhax mari laheyd gobolka Banaadir iyo Galmudug, waxaana ciyaartaasi la ciyaari doonaa maalinta Isniinta ah.
Ciyaartan dib loo dhigay ayaa imaaneysa xilli xiriirka kubadda cagta gobolka Banaadir diideen in ay ciyaaraan kulanka ay la ballan-san yihiin Galmudug, iyaga ka carreysan dhibcihii laga qaaday ciyaartii Hirshabelle la ciyaareen ee ku dhammaatay rabshada.