Allbanaadir.com
NEWS

Musharaxiin badan oo isaga haray Doorashada Madaxweynaha Puntland (Akhriso Magacyada)

Magaalada Garawe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland waxaa ka socda olole xooggan oo ay wadaan qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa.

Musharaxiinta qaarkood ayaa iska diiwaan-geliyay guddiga doorashada qaban qaabinaya, halka musharaxiin kalana ay gabi ahaan isaga hareen doorashada, kuwaa oo u tanaasulay musharaxiin kale ay isbaheysi lahaayeen.

Qaar kamid ah musharaxiinta u taagnaa xilka madaxweynaha Puntland ayaa qoraalo ay soo saareen ku shaaciyay in doorashada isaga hareen, waxa ayna musharaxiintan qaarkood ku baaqeen in ay u tanaasuleen sidii loo heli lahaa isbadal cusub.

Musharaxiinta haray qaar ayaa waxaa ku jira kuwa saameyn xooggan ku lahaa siyaasada Puntland horeyna xilkan ugu soo tartamay, kuwaa oo dad badan layaab ku noqotay in ay isaga haraan doorashada madaxweynaha.

Musharaxiinta ka tanaasulay doorashada xilka madaxweynaha Puntland waxaa kamid ah ,Maxamuud Khaliif Jebiye, Cumar Ismaaciil Waaberi,Maxamuud Xayir Ibraahim,Faarax Cali Shire Maxamed Cabdullaahi Xuseen Shoortaayo iyo musharaxiin kale.

Doorashada madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto 8-da bishan oo ku beegan maalinta Isniinta ah, waxaana doorashadan ku tartamaya musharaxiin saameyn ku leh Puntland uu ku jiro madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Milateriga afgembiga ku qabsaday talada Niger oo xili kama dambeys ah loo qabtay

Caydiid Ali

Barta facebook ee heyadda Duulista Rayidka Soomaliyeed oo la jabsaday

Caydiid Ali

Xildhibaanada Koonfur Galbeed oon ku farxin Tanaasulkii Shariif Xasan iyo Sababta keentay

Cabdi Cade