Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa noqday Musharrixii u horreeyey oo guddiga doorashada Baarlamanka Puntland ka qaata shahaadada Musharraxa Madaxweynaha.
Musharaxiinta kale ee illaa hadda isdiiwaan geliyey ayaa waxaa ka mid ah Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Xassan Shire abgaal iyo qaar kale.
Diiwaan gelinta musharaxiinta ayaa ka socota xarunta guddiga doorashooyinka Baarlamanka Puntland ee magaalada Garowe iyadoo la filayo iney musharaxiin kale isdiiwaan geliyaan.
Musharaxa Madaxweynaha ayaa laga rabaa inuu bixiyo lacagta diiwaangelinta oo dhan $30Kun oo doollar, sidoo kale musharaxa madaxweyne kuxigeenka ayaa isna laga doonayaa $15Kun oo doollar
Waxaa mudada diiwaangelintu soconayso ay tahay labo berri oo kala (5-6) Janaayo/2024 sida uu sheegay guddiga doorashada, saacado kooban ayaana ka haray mudada kama dambeysta ah ee diiwaan gelinta.
Doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa iney dhacdo 8da bishan Janaayo oo ku beegan Isniinta soo aadan, waxaana magaalada Garowe ka socda olole xoogan iyo kala jiidasho ay musharaxiintu ugu jiraan Xildhibaanada wax dooranaya.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA