Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Aqlabiyadda Xildhibaannada Baarlamanka Somaliland oo War ka soo saaray heshiiskii Itoobiya

War-Murtiyeedka ay soo saareen Isbaheysiga Aqlabiyadda Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland;

1-In ay xildhibaanadani u midoobaan waajib gudashadooda dastuuriga ah si loo gaadho himilooyinka qarankan ee kala ah: Aqoonsi, horumar, iyo nabad.

2-In ay xoojiyaan la-xisaabtanka Waaxda Fulinta oo ku dhereran xadka iyo baaxadda Dastuurka iyo xeerarka dhaqan-galka ah iyagoo si gaar ah xooga u saaraya dhinacyada arrimaha nabadgelyada iyo difaaca, doorashooyinka, heshiisyada iyo is-afgaradyada caalamiga ah, iyo maamulka maaliyadda iyo ilaalinta hantida Qaranka.

3-In ay xaqiijiyaan hirgelinta heshiiskii soo afmeeray murankii doorashooyinka isla markaana hubiyaan in Doorashooyinkii Madaxtooyada iyo Ururada Siyaasadda ee ku mudaysnaa Bisha 11aad ee 2024 ay ku qabsoomaan wakhtigoodii

4-In arrinta Gobolka Sool lagu soo dabaallo wada hadal, nabad iyo hannaan siyaasi ah.

Ugu dambayn:

1-Dalka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu leedahay hayado Dastuuriya oo ku yimid doorasho shacab, waxaanan halkan ku canbaaraynaynaa fargelinta joogtada ee Dawlada Somaliya.

2-Xildhibaanada Aqlabiyadda Golaha Wakiiladu waxay go,aansadeen in qaraar gole lagu soo saaro jawaabta ku haboon siyaasaddaa guracan ee Somalia kula dhaqanto Soomaaliland.

3-Waxay ka sugayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaalilaan in, si waafaqsan Qod.53aad, Faq. 3aad, ee Dastuurka, uu Golaha Wakiilada degdeg usoo gaadhsiiyo heshiisyada iyo is-afgaradyada uu saxeexay ee aan weli Goluhu ansixin, gaar ahaan is-afgaradkii Itoobiya ee dhawaan dhacay.

Xildhibaanada Aqlabiyadda Golaha Wakiiladu waxay Eebbe uga baryayaan umadda reer Somaliland guul iyo gobonimo, ifka korkiisa iyo aakhiraba.

ALLAA MAHAD LEH

Related posts

Hay’ada samafalka Shacabka oo sanadkan afurineysa 20-kun oo danyar ah (Ka qeyb qaado)

Cabdi Cade

Gabar 18-sano jir ah ka careesiisay Shacabka iyo dowlada Iiran oo la xiray (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Puntland oo 11-qodob oo Xasaasi ah kasoo saartay dagaalka Tukaraq (Akhriso)

Cabdi Cade