Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Daawo: Odayaasha Seylac oo sheegay iney dagaal ka xigaan damaca Badda ee Itoobiya

Odayaasha Dhaqanka Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa si adag uga horyimid damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya iyo heshiiskii ay la gashay Muuse Biixi

Odayaasha Dhaqanka reer Saylac ee waqooyiga Soomaaliya oo la hadlay warabahinta  ayaa si adag uga hadlay in Muuse Biixi uusan bixin karin dhulkooda,ayna tahay arrin isaga u gaar ah oo aysan la qabin waxgaradka iyo Shacabka ku dhaqan degaannada gobollada Waqooyi.

Waxay sheegeen in badda aysan ahayn wax cid walba si fudud isaga bixin karto, ayna tahay dhaxalka jiilka dambe lana aqbali karin damaca gurracan ee Itoobiya.

Odayaasha ayaa sidoo kale dhammaan ummadda Soomaliyeed meel walba ay joogaan ugu baaqay inay u midoobaan, difaaca qarannimada Soomaaliya oo si cad ugu soo duushay itoobiya.

Damaca liita Itoobiya ee 1-dii bishan magaalada Addis Ababa heshiis guracan kula gashay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa isa soo taraya sida falcelinta ka imaaneysa dadka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Beesha Caalamka, iyadoo lagu tilmaamay mid ku xadgudbay madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO HADALKA ODAYAASHA

Related posts

Ma dhab baa in Iran ay hub kiimiko ah siisay Xisbullah

Caydiid Ali

Dad badan oo ku dhintay Goob ay ka socotay Bandhig Faneed (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Midowga Afrika oo si adag uga hadlay rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika

Cabdi Cade