Dowladaha Talyaaniga iyo Holand ayaa siyaabo kala gooni ah uga hadlay heshiiska xad gudubka ah ee itoobiya la gashay Somaliland.
Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya oo barteeda X (Twitter-kii hore) ku tixraacday baaqii Midowga Yurub ee ku aadanaa khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya.
“Talyaaniga waxay la wadaagtaa baaqa Midowga Yurub ee taageerada buuxda ee midnimada, madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya”. ayaa lagu yiri war ka soo baxay safaarada talyaaniga
Dalka Holand/Netherland ayaa sidaas si la mid ah bartiisa X ku muujiyey mowqifkiisa dal ahaaneed ee ku aaddan arrinkan.
“Netherland waxay ku biiraysaa Saaxiibada caalamiga ah si aan u xaqiijino in aan si buuxda u taageersannahay midnimada, madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya”.ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowlada Talyaaniga.
Talaabada Itoobiya ayaa waxaa horey uga hor yimid dalalka Mareykanka, Yurub, Turkiga, Carabta iyo qaar ka mid ah dalalka Afrika, iyadoo Jabuuti la filayey iney qaadato mowqif adag oo ay ku taageereyso midnimada Somalia taasoo aan dhicin.