Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dhagax dhigay Tayaatarka Qaranka oo lagu dhisayo Barnaamijka Is-xilqaan.
Farmaajo oo Munaasabada dhagax dhiga ka hadlay ayaa sheegaya in Tayaatarka Qaranka lagu dhisayo Barnaamijka Is-xilqaan, waxa uuna sheegay in muhiim tahay in dib loo dhiso Tayaatarka.
Tayaatarka Qaranka ayaa bur bursanaa in ka badan 27-sano, waxaana marar badan fashilmay qorshayaal la doonayo in dib loogu dhiso Golaha Murtida iyo madadaalada Qaranka .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com