Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Itoobiya & Somaliland oo isku maan dhaafsan sida loo fulinayo heshiiskii ay wada galeen

La-taliyaha Amniga Qaranka Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo u warramay warbaahinta dalkaasi ayaa shaaciyey goobta laga siinayo badda Somaliland ee ciidamada dalkaas ay saldhigyada ka sameysan doonaan.

Waxaa uu sheegay in degaanka Lughaya oo dhow Seylac kana tirsan gobolka Awdal ay noqon doonto goobta laga siinayo badda ciidamada Itoobiya.

“Sida ku cad documentiyada heshiisku waxa uu soconayaa 50sano, balse dhinacayaga waxaan jeclaan lahayn inuu 99-sano ama 100 sano noqdo. Meel la yiraahdo Lughaya oo xadka Itoobiya u dhow ayayna dhaheen waanu idinka siinaynaa Saldhigga Milatari” Sidaas waxaa yidhi Ridwaan Xuseen

Dhinaca kale, Itoobiya iyo Somaliland ayaa warar isburinaya ka soo saaray sida loo fulinayo heshiiska labada dhinac.

La-taliyaha Amniga Qaranka Raisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in marka lagu wareejiyo dhulka Saldhigga iyo goobta badda laga siinayo, ayna saldhigtaan ciidankeeda ka dib aqoonsiga bixinayaan.

Hadalkaas ayaa khilaafsan hadal uu horey u shaaciyey madaxweynaha Somaliland oo ahaa in heshiiskan uu fuli doono Marka Ethiopia aqoonsiga ku dhawaaqdo

Related posts

Yuusuf Dabageed oo xilkii ka qaaday Wasiir ka tirsan Mamulka Hirshabelle (Akhriso)

Caydiid Ali

Maxay tahay Shuruuda adag ee Israel ku xirtay in gargaar la geeyo Magaalada Gaza?

Caydiid Ali

Duqii Magaalada Beled-weyne oo xilka laga qaaday & mid cusub oo lagu bedelay (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---