Dowlada Jabuuti ayaa si lama filaan ah uga hadashay heshiiska Dowlada Itoobiya la gashay Somalilad oo shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Somalia intooda badan si adag uga falceliyeen.
Heshiiskan ayaa dhigaya in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal ka madax banaan Somalia, taas bedelkeedna laga kireeyo dhul badeedka Somaliland qeyb ka mid ah.
Daa’uud Xummad oo ah afhayeenka aqlabiyadda ee madaxtooyada Jabuuti oo la hadlay warbaahinta RFI ee laga leeyahay Faransiiska ayaa sheegay inay doonayaan inay doorkooda diblomaasiyadeed ay ka cayaaraan arrintan.
“Marka hore, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay ka xun tahay xiisad dheeraadda ah gaar ahaan mandaqada Geeska Afrika oo horay u soo martay xiisado soo noq-noqday, mushkiladda Soomaalida iyo tan Soomaaliyeedna waxay qusaysaa Soomaalida oo keliya. Annagu kuma faragelin arrimahooda gudaha,” ayuu Daa’uud Xumad u sheegay warbaahinta RFI.
“Waxa aan daacad ka nahay ballanqaadkeena diblomaasiyadeed ee mabaadii’da aasaasiga ah ee quseeya caddaaladda iyo nabadda gobolka geeska afrika.” ayuu intaas ku daray.
“Jamhuuriyadda Jabuuti waxay soo jeedinaysaa in si Soomalinimo oo qoysnimo loo dhameeyo mushkilada, waa taladayada,” ayuu yiri Daa’uud.
“Hadda waxa aan hayna madaxnimada meertada ee urur goboleedka IGAD gaar ahaan Jabuuti oo khibrad u leh arrinta. Dalka Jabuuti waxaa uu horey dhex dhexaadin ka sameeyay oo uu u kala dab qaaday dhibaatada Suudaan ka dibna Somaliya iyo Somaliland. Dalka Jabuuti waxa uu diyaar u yahay inuu khibradiisa u soo bandhigo cidda ay khusayso,” ayuu intaas ku daray Daa’uud Humma.
Talaabada Itoobiya ayaa waxaa ka hor yimid dalalka Mareykanka, Yurub, Turkiga, Carabta iyo qaar ka mid ah dalalka Afrika, iyadoo Jabuuti la filayey iney qaadato mowqif adag oo ay ku taageereyso midnimada Somalia taasoo aan dhicin.