Ciidamada badda dalka Hindiya ayaa ku guuleestay in ay soo bad baadiyaan shaqaale iyo bad-maaxayaal u dhashay dalkaasi, oo la socday markabka MV Lila Norfolk oo xalay lagu qafaashay meel ka baxsan biyaha Soomaaliya.
Afhayeenka ciiddanka Badda Hindiya ayaa goordhaw shaaciyay in ay soo badbaadiyeen dhamaan shaqaalihii la socday Markabka MV Lila Norfok oo xalay laga qafaashay meel ka baxsan Xeebaha Soomaaliya.
Ciidamada Badda dalka Hindiya ayaa la sheegay in ay soo bad baadiyeen dhammaan dadkii la socday markabkaasi oo kala ahaa 17 nin oo u dhashay dalka Hindiya iyo shan nin kale oo u dhashay dalka Filibiin .
Afhayeenka u hadlay ciiddanka Badda dalka Hindiya ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in wax burcad ah aysan ugu tagin ciidamada markabka ay soo bad baadiyeen, ayna burcada ka degeen markabka kahor inta aysan ciidamada gaarin.
Markabka Dagaalka Hindiya ee INS Chennai ayaa la sheegay inuu taageero siiyey Markabka la qafaashay, si dib loogu kiciyo Matoorka Korantada ee Markabka iyo inuu Markabka sii wato safarkiisa.
Warar horey u soo baxay ayaa lagu sheegay inay ilaa 6 dabley hubaysan ay gudaha u galeen Markabka la sheegay in la qafaashay, inkastoo markii dambe la sheegay inaan wax Burcad-baddeed ah lagu arkin gudaha Markabka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com