Allbanaadir.com
NEWS

Xiriirka kubadda Cagta gobolka Banaadir oo go’aan ka qaatay Tartanka ka socda Muqdisho

Qoraal kasoo baxay xiriirka kubadda cagta ee gobolka Banaadir ayaa looga soo hor-jeestay go’aankii maanta kasoo baxay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ee dhibcaha ciyaartii shalay rabshada ku dhamaatay looga qaaday.

Guddoomiyaha kubadda cagta gobolka Banaadir  ayaa qoraalka uu soo saaray ku cadeeyay in aysan jirin taageerayaal u diiwaan-geshan gobolka oo rabsho sameeyay, waxa uuna xusay in ciyaal sharci-darro garoonka lagu soo galiyay ka dambeeyee rabshada.

Qoraalka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir u qaabilsan kubadda cagta ayaa lagu shaaciyay in aysan ciyaareyn ciyaaraha soo socda ,haddii aysan xiriirka kubadda cagta la imaan caddeyn lagu qanci karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir looga hadlayay Xasilinta amaanka dalka oo Muqdisho lagu qabtay (Daawo Sawirro_)

Cabdi Cade

Nin Hubeesan oo dad ku laayay Kaniisad kutaala magaalada Qaahira (Daawo Sawirada)

admin

War-Murtiyeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wasiirada ee Garawe (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---