Allbanaadir.com
NEWS

Atooraha caanka ah ee Will Smith oo hadiyad lama filaan ah gudoonsiiyay arday Muslim ah

Jilaaga caanka ah ee filimada Hollywoodka ee u dhashay dalka Mareykanka, Will Smith, ayaa si kadis ah u soo wacay wiil u dhashay dalka Guinea oo baskiil ku maray guud ahaan Afrika si uu jaamacad ugu biro.

Sannadkii la soo dhaafay, Wilkan oo lagu magacaabo Mamadou Safayou Barry, ayaa qabsaday warbaahinta kadib markii uu jaray masaafo dhan 4,000 oo kilo mitir oo u dhiganta 2,500 oo mayl.

Wicitaanka oo ahaa muuqaal, ayaa Smith waxaa uu wiilkaas u sheegay inuu ‘aad u soo jiitay dedaalkiisa’, wuxuuna hadiyad ahaan u siiyay baskiil cusub iyo laptop.

Smith ayaa sheekada wiilkaas ka akhriyay barta Instagramka ee BBC-da bishii Septembar. ‘Waxaan doonayaa in dunidu ogaato sheekadaada’, ayuu yiri.

Bishii May ee sanadkii hore, wiilkan 25 sano jirka ah ayaa ka soo amba baxay dalka Guinea ee waqooyiga Afrika, wuxuuna baskiil ku maray dalal badan si uu u gaaro magaalada Qaahira isla markaana uu ugu biro jaamacadda Al-Azhar ee ku taala magaalada Qaahira.

Ma uusan awoodin lacag uu ku tigitka bixiyo diyaaradda, wuxuuna safarka baskiilka ku qaatay muddo afar bilood ah, isago maray dalalka sida Mali, Burkina Faso, Togo, Benin, Niger iyo Chad.

Saddex mar ayaa la xiray intii uu safarka ku jiray, laba mar oo lagu xiray dalka Burkina Faso iyo mar lagu xiray Togo.

Markii uu gaaray magaalada Qaahira, jaamacadda ayaa qaabishay, wuxuu baranayaa kuuliyadda shareecada islaamka iyo injineerinka, waxaana la siiyay deeq waxbarasho oo bilaash ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Yuusuf Xuseen oo lagu afduubtay Nairobi iyo bannaanbax lagu…

Cabdi Cade

Dheyman nuuciisa dhif iyo naadir yahay oo laga helay Dal kuyaalla Afrika (Sawirro)

Cabdi Cade

Xubno ka socday Booliiska Caalamiga oo soo gaaray Muqdisho lana kulmay Xijaar (Sawirro)

Cabdi Cade