Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo la kulmay Xildhibaanada cusub ee Puntland iyo Guddoonkooda (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan qado ah oo soo dhoweyn iyo is xogwareysi ah la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad eeĀ  Puntland iyo guddoonka cusub ee ay shalayto doorteen.

Madaxweynaha u hambalyeeyay Baarlamaanka iyo Guddoonkooda, wuxuuna u rajeeyay in si wanaagsan ay u gutaan waajibaadka hor yaalla oo ay ugu horeyso Diyaarinta iyo qabashada doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ee loo madlanyahay 08- January 2024.

Xildhibaanada cusub ee Puntland ayaa la sheegay in ay u badan yihiin kuwa uu soo xulay si weyna u taageersan madaxweyne Deni, kuwaa oo suurto gal tahay in mar kale Siciid Deni u doortaan madaxweynaha Puntland, haddii uusan isbadal kale imaan.

Madaxweynaha Puntland ayaana ka codsaday xildhibaanadan uu maanta la kulmay in ay u hiiliyaan Puntland una doortaan mar kale in uu madaxweynaha Puntland sii ahaado afarta sanno ee soo socota.

Golaha Wakiillada cusub ee Puntland ayaa Isniinta soo socota go’aamin doona cidda hoggaamin doonta Puntland afarta sanno ee soo socota, waxaana socda olole xooggan ay wadaan musharaxiinta ku tartamaya kursiga madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo si deg deg ah u hogaansantay Baaqii Guddiga Doorashada

Cabdi Cade

Siciid Deni oo hal arrin darteed taageero iyo garab istaag ugu muujiyay Axmed Madoobe

Cabdi Cade

Ergeyga Madaxweynaha oo wadahadal muhiim ah la yeeshay Ms. Gwen Hines (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---