Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Masuuliyada qaraxyadii lagu hoobtay ee ka dhacay dalka Iran oo la sheegtay

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadii ka dhacay dalka Iiraan oo ay ku naf waayeen dad ku dhow 100 qof oo shacab u badan.

Qaraxyada ayaa ka dhacay magaalada Kerman ee koonfurta Iiraan, waxaa ku dhintay dad gaaraya 84 qof waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

Kooxda Daacish ayaa sheegashadeeda ku sheegtay bogga lagu wada xirriiro ee Telegram.

Daacish waxay sidoo kale baahisay magacyada labada qof ee fuliyay weerarka, kuwaasoo ay ku sheegeen inay kala yihiin “Omar al-Muwahhid” iyo “Sayfullah al-Mujahid”. Waxay soo bandhigeen muuqaalada raggan oo xiran mask.

Iiraan ayaa markii hore mas’uuliyadda qaraxyadan ku eedeyneysay Israa’iil iyo Mareykanka.

Goobta qaraxyada ay ka dhaceen ayaa waxaa ka socday Xus loo sameynayey Qaasim Suleymani oo caan ka ahaa gudaha dalalka Iran, Ciraaq, Lubnaan, Suuriya iyo Yemen, waxaana aad u xurmeyn jiray hogaamiyeyaasha dalka Iran iyo dadka shiicada.

Ciidanka uu madaxda ka ahaa ee Qudus, waxay ahaayeen ciidamo qaabilsan hawlgalada dibadda, gaar ahaan dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Yemen, waxayna si toos ah uga mar qaataan hogaamiyaha Iran, waxaana Suleymani lagu dilay sanadkii hore duqeyn uu magaalada baqdaad ka fuliyey Mareykanka.

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa wacad ku maray inuu si adag ugu jawaabi doono qaraxyada lala beegsaday munaasabadda sanad guuradii sadexdaad ee ka soo wareegtay dilkii Qasem Suleimani oo Mareykanku dilay sanado kahor.

Related posts

Boqor William oo warqadaha aqonsiga ka gudoomay danjiraha cusub ee Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

Qarax xooggan oo lagu dilay masuul sare oo katirsanaa maamulka Taalibaan

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada oo kulan ku yeeshay Muqdisho & qorsheyaal la hor dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---