Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo shir deg deg ah isugu yeertay Wasiirada arimaha dibeda J/Carabta

Dowladda Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa dalbatay iney shir deg deg ah isugu yimaadaan Wasiirada Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta.

Safiirka J.F.S ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay Ururka Jaamacadda Carabta u gudbisay codsi ku aadan in la qabto shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Carabta si ay uga wada hadlaan cawaaqibka ka dhalan kara in si sharci-darro ah loo dhammeeyo heshiiska is-afgaradka ah ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Maamulka Somaliland.

Ururka Jaamacadda ayaa looga baahan yahay in Arrintaan laga qaato mawqif midaysan oo Carbeed lagana jawaabo xadgudubka cad ee ay Itoobiya ku hayso madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhowaan ayey aheyd markii baarlamanka Jaamacada Carabta ay si kulul u cambaareeyeen Heshiiskan Itoobiya & Somaliland ee lagu kala goynayo midninada Somalia, iyagoo itoobiya uga digay iney ku dhaqaaqdo talaabo noocaas ah.

Related posts

Isbadal ku yimid Muuqaalka Kim Jong Un iyo Walaac laga muujiyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Danab oo qabtay Gaadiid loo diyaariyey in lagu fuliyo weeraro ismiidaamin ah

Caydiid Ali

Saciid Ciise: “Sharciga Doorashooyinka Qaranka mugdi badan ayaa ku jira”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---