Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo Midowga Yurub uga mahad celiyey sida ay u garab istaageen Somalia

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweyne Kuxigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga, Mudane Josep Borrell ayaa uga mahadceliyey mowqifka adag ee Midoowga Yurub ay ku garab istaageen midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Ururrada heer gobol iyo heer qaaradeed ay ku adkeynayaan xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika oo udub-dhexaad u ah nabadda Caalamka.

Midowga Yurub ayaa Talaadadii ku adkeystay in la ixtiraamo madax-banaaniada Soomaaliya kadib markii Itoobiya ay is-afgarad muran dhaliyey la saxiixatay Somaliland.

Is-afgaradka, oo ay Isniintii kala saxiixdeen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Itoobiya siinaya fursad ay ku hesho isticmaalka Dekedda Berbera ee Badda Cas iyo saldhig milatari oo ay kiraystaan.

Midowga Yurub ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay “jeclaan lahaayeen in ay xusuusiyaan muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo dastuurkeeda, Axdiga Midowga Afrika iyo kan Qaramada Midoobay.”

“Tani waxay fure u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika oo dhan,” ayaa lagu yiri bayaanka afhayeenka Midowga Yurub.

Soomaaliya ayaa Talaadadii wacad ku martay inay difaaci doonto dhulkeeda, ayada oo heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ku tilmaamtay “daan-daansi.”

 

Related posts

Sheekh Aadan Madoobe oo kulan la qaatay Xildhibaano laga soo doortay KG iyo Jubbaland (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Danjire Maxamed Sheekh Isaaq oo laga gudoomay Warqadaha aqoonsiga

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo isbedel ku sameeyey Taliska Booliska Puntland ee gobolka Mudug

Caydiid Ali