Abiy: Waxaan la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Hassan Sheikh Maxamud, waxaana si dadban ula soo hadal qaadey in heshiisyadii is afgaradka ee aan la galnay Madaxweyne Farmaajo aan si rasmiya heshiis uga dhigno, balse si aan gambasho lahayn ayuu uga cudurdaartay, isaguna waa fahmayey in diidmadiisa ay ka imaaneyso falcelin uusan ku faraxsanayn, balse wax walba waxaa nooga daran falcelintiisa taayada ka hormartay oo uu nagu dhibay socodkiisa aan kala joogsiga lahayn ee uu ugu tegayo Jabuuti iyo Eritereya, waxaanse taariikhda Itoobiya hora uga ogaa in dadka dega bartamaha iyo degaanada Xamar ay Cuqdo ka qabaan Itoobiya oo hadda ka hor boqortooyadooda ku jebisey Harar iyo Hawaash.
Muuse: Waan ogsoonahay in koonfurta Soomaaliya aysan ahayn deeqsi, balse annagu taas bedelkeeda waxaan aaminsan nahay isdoorsi dano wax lagu kala iibsado, waxaana leenahay dal dahan oo madaxdiisu iib diyaar la tahay, waxaase aniga ii gaara inaan ictiraaf Itoobiya ka helo si aan doorashada dib ugu guuleysto.
Abiy: Itoobiya dhib weyn ayaa ka soo gaaraysa haddii ay ku dhawaaqdo kala goynta Soomaaliya iyo haddii aan si qawaan xeebta idinkaga iibsano, balse arrinta waxaan u rogi karnaa xeelad kala oo aan culeysyada caalamka uga badbaadeyno, adigana aan si hoose kuu siineyno wax aqoonsi kaaga weyn, annaguna aan xeebtiina saldhig uga sameysaneyno anagoo adeegsaneyna in saldhiga uu yahay mid ay iska leeyihiin ciidamada badda Somaliland, annaguna aan idiin tababareyno ciidankiina badda.
Muuse: Haddii aan waayo ictiraaf oo haddana aan bixiyo badda aan leenahay waxaan Somaliland ka noqonayaa qaa’in qiyaanay dadkiisa iyo dalkiisa, waxaana intaas noo dheer in qolyaha reer koonfureedku ay horayba cuqdo nooga qabeen la xiriirta inaan iibsaney NFD iyo Jabuti xiliyadii ay ku jireen gacanta gumeysteyaasha, waxaana cabsi weyn ka qabaa haddii sidaas wax u dhacaan in markaan ay shacabka Somaliland ay dib ugu guran doonaan iney la midoobaan koofurta Soomaaliya.
Abiy: Aniga ma qabo inaad doorasho qabatid ay adag tahay inaad ku guuleysaneysid, hadda ka hor ayaan taladaas siinay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waa ayna dhacday wixii aan ka cabsaneyney, sidaas daradeed waan isku deyi karnaa inaan musharixiinta kula tartameysa cadaadino oo aan hanjabaadyo ku cabsi gelina, laakinse wax natiijo ah ma keeneyso oo hadda ka hore muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan sheikh ay Itobiya isku dayday wax kasta oo ay sameyn karto si ay xukunka ugu soo celiso Xasan Sheekh.
Muuse: Heshiiskii aan la saxiixday madaxda koofurta Soomaaliya waxaa na dhexdhexaadinayey madaxweynaha Jabuuti oo ay naga dhexeyso xididtinimo ixtiraam weyn ku dhisan, wuxuuna hadda dareemayaa inaan wejigabax ku sameynay oo aan ciyaar qiyaano ah la ciyaarnay, mana iska indhotiri karno qiimaha ay dadkeena u leedahay Jabuti, sidaas daradeed ayaan waxaan codsaneynaa ama inaad Madaxweyne Geele naga aamusisid ama aad qadiyadaan ku soo biirisid oo ay qeyb ka noqdaan.
Abiy: Arrinta Jabuti hadda ma faragelin karo, iyaguna si toosa nooma bartilmaameysan karaan, balse iskudaygeenu markasta meesha kama maqna oo isagaaba nala soo doonan doona dhexdhexaadinta aniga iyo xasan, sidaas daradeedna hadda wuxuu ku jiraa isgaabis diblomasiyadeed oo wuxuu indhoindheynaya sida xaaladu ay noqoto (wait-and-see-approach).
Abiy: Mudane madaxweyne Muse, waxaan kuu soo jeedineynaa inaan kaa dhigno Itoobiyaan oo aan ku siino jinsiyadeena oo haddana weliba aan saamiyo kaa siino shirkadaheena, isla markaasna aan qasri qoyskaaga uga dhisno Itobiya meelaha ugu dalxiisa wanaagsan, kuna siino hanti lacageed oo aad ku noolaatid inta aad nooshahay.
Muuse: Taasi waa caado soo jireena oo aan leenahay, waxaana hadda ka hor dhacaday in madaxweynihii iga horeeyey oo ahaa Mudane Silaanyo oo la xanuunsan cudurka Alzheimer-ka inuu heshiis kula galay Imaraadka inuu ku wareejiyo deked berbera iyo iney halkaas mustaqbalka ka sameystaan saldhig mileteri, wuxuuna ku doorsaday 20 milyan oo Dollar iyo qasri qoyskiisa laga siiyey Imaraadka, marka habraacida caadadaas waxey leedahay aqbalid Alle.
FIIRO GAAR AH
Isfahamkaas ku dhisan isafgaradka waxaa labada mowqif run ahaantii si saxa uga turjumaya siyaasadaha been hawaaska ah ee la isku weydaarsanayo sawirkan ee mudane wadani bal adigu isqabadsii qiyaanada ay ku mideysan yihiin iney tahay mid u suurtogelineysaa qadiyad ay heshiis dhaba ku gaari karaan!!!
Dr. Saciid Ciise MaxamudÂ
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com