Allbanaadir.com
NEWS

Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Puntland oo la doortay (Magacyada +Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Garawe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland ka dhacday doorashada guddoonka golaha Wakiillada dowlad goboleedka Puntland, kaddib doorasho xamaasad leh oo maanta dhacday.

Guddoomiyaha golaha Wakiillada Baarlamaanka lixaad ee Puntland ayaa waxaa loo doortay Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid , waxa uuna ninkan ka guuleestay saddex musharax kale oo kula tartamay kursigan.

Waxaa sidoo kale xilka guddoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland loo doortay Maxamed Baarri Shire, oo isna ka guuleestay dhowr musharax oo kursigan kula tartamay.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha wakiillada maamulka Puntland ayaa isna loo doortay Xildhibaan Maxamed Maxamuud ciise ( Awoowe), oo isna doorasho adag uu galay kusoo baxay.

Xubnaha guddoonka golaha Wakiillada Puntland ee maanta lagu doortay magaalada Garawe  ayaa la sheegay in ay kala taageerayeen qaar kamid ah musharaxiinta ku loolalamay xilka madaxweynaha uu ugu horeeyo madaxweyne Siciid Deni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirro: Rabshadaha Iran oo sii xoogeystay & tirada dadka ku naf waayey oo sii kordhaya

Caydiid Ali

Hey’adda Hormuud Salaam Foundation oo gargaar gaarsiisay dadka abaaruhu saameeyeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Madaxweyne Ashraf Qaani oo ka cararay Kabul

Cabdi Cade
Taboola Ads ---