Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa War qoraal ah uu soo saaray si adag uga hor yimid isku dayga gurracan ee dowladda Ethiopia ay ku dooneyso in ay ku qaadato qeyb ka mid biyaha Soomaaliyeed.
Xoghayaha guud ee Ururka OIC ayaa ku baaqay in la ilaaliyo Madax-bannaanida Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la dhowrayo xeerarka caalamiga ah iyo kuwa gobolka.
Dowladaha iyo ururada caalamiga ah ee kahor imaanaya heshiiska dowladda Ithiopia la gashay maamulka Somalilamd ayaa sii kordhaya, waxaana Ethiopia looga baaqayay in ay ilaaliso madax-bannaanida dhulka Soomaaliyeed.
Ithiopia oon laheyn wax bad ah ayaa heshiis beenaad ay la galeen madaxweynaha Somaliland ku doonaya in ay ku qaataan qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, si ay uga dhigtaan saldhig ciidan una helaan mustaqbalka dekad u madax-bannaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com