Allbanaadir.com
NEWS

Imaam Masaajid oo lagu dilay Mareykanka iyo lacag lagu bixinayo helida xogta dilaaga

Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in Immaamka masjid ku yaalla magaalada Newark ee gobolka New Jersey lagu toogtay shalay oo Arbaco aheyd bannaanka masaajidka .

Dadkii ka dambeeyay dilka Imaamka oo lagu magacaabayay Imaam Xasan Shariif ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, ciidamada booliiska ayaana wada howlgalo balaaran ay ku raadinayaan gacankudhiiglaha.

Imaamka ayaana qeybo kamid ah jirkiisa looga dhuftay dhowr xabadood, waxaana isaga oo dhaawacyo culus qaba  laga helay bannaanka masjidka Muhammad-Newark aroornimadii shalay, waxa uuna markii dambe ku geeriyooday isbitaalka.

“Baaritaanada ilaa haatan la sameeyay ma muujinayaan in falkaasi ahaa mid la xirriira argagaxiso’, sida uu wariyaasha u sheegay xeer Ilaaliyaha guud ee gobolka New Jersey, Matthew Platkin.

Guddoomiyaha gobolkaas, Phil Murphy, ayaa si kulul u cambaareeyay dilka Imaamka , waxa uuna shacabka ka codsaday in ay booliiska la shaqeeyaan soona bandhigaan xogta baaritaanka dilka Imaamka iyo sidoo kale cidii ka dambeesay.

”Waxaan doonayaa in aan u caddeeyo bulshada Muslimiinta ah iyo diimaha kaleba oo dhan in aan sameyn doonno wax walba oo aan awoodno si aan u ilaalinno dhammaan badqabka dadka, gaar ahaan kuwa ku nool aagagga goobaha cibaadada” ayuu yiri Phil Murphy.

Booliiska iyo maamulka gobolka lagu dilay Imaam Shariif ayaa ballan-qaaday bixinta lacag gaareysa 25kun oo dollar , oo abaalmarin ahaan loo siin doono ciddii keenta xogta gacankudhiiglaha si loo soo qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo saakay dagaal kula wareegtay degmo ay gacanta ku hayeen ciidanka dowlada

Cabdi Cade

Taalibaan oo loo diiday Diyaarado Dagaal oo Afganistan laheyd iyo Mareykanka oo la wareegaya

Cabdi Cade

Kenya Airways oo duulimaadkii u horeeyay ee rakaab ah ka bilowday Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---