Allbanaadir.com
NEWS

Deg Deg :Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo goordhaw lagu doortay Garawe

Waxaa goordhaw xildhibaannada golaha Wakiillada ee baarlamaanka lixaad ee Puntland doorteen guddoomiyaha cusub ee hoggaamin doona afarta sanno ee soo socota, kaddib doorasho goordhaw dhacday.

Doorashada oo lagu kala baxay wareega koobaad ayaa waxaa ku tartamayay afar musharax oo kala ah, Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Maxamed Faarax Maxamed Gabyow, Xildhibaan Mursal Maxamuud Cabdi iyo Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Siciid.

Wareega koobaad ee doorashada waxaa ku guuleestay Musharax Cabdirisaaq Axmed Siciid oo helay  37 cod, waxaana doorashada ka tanaasulay labada musharax kale ee kusoo xigay, halka guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntlanda ku haray wareega 1-aad.

Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland  Cabdirisaaq Axmed ayaa horey usoo noqday guddoomiyihii hore ee Guddigii KMG ahaa doorashooyinka Puntland (TPEC), waxaana ninkan si weyn u taageerayay madaxweyne Deni oo qarash badan ku bixiyay..

Wareegii hore ee doorashada ayaana codadka loo kala helay sida tan

1. Cabdirisaaq Axmed Siciid 37
2. Mursal Maxamuud Cabdi 10
3. Maxamed Faarax Gabyow 10
4. Cabdirashiid Cawl 8
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Duqa Muqdisho & danjire Cabdifataax Cabdullaahi Xasan? (Sawirro)

Caydiid Ali

Dalal ay Soomaaliya ku jirto oo iska bixin waayay Qaaraanka xubinnimada Qaramada Midoobay

Cabdi Cade

Garsoore Xabad isku dhuftay kadib markii uu amray in xabsiga laga daayo rag Muslimiin ah

Cabdi Cade