Laba qarax oo dilay dad ku dhaw 100-qof ayaa ka dhacday goob ay ka socotay xaflad oo kutaalla Iran, goobtaas ayaana lagu xusayay taliyihii ugu sarreeyay ciidamada Iran Qassem Soleimani, oo lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka sannadkii 2020.
Qaraxyadan dhiigga badan ku daatay ayaa ka dhacday qabuuraha uu ku aasan yahay Soleimani ee ku yaala koonfurta bari ee gobolka Kerman, waxaana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay u baroor-diiqayeen sargaalka Mareykanka horey u dileen.
Dowladda Iran ayaana ku eedeysay qaraxyadan ka dhacday dalkeeda in ay ka dambeeyeen dowladaha Mareykanka iyo Israa’iil, waxa ayna Iran sheegtay in ay tuhmayaan in qaraxyadaasi masuul ka ahaayeen labadaasi dal ay ku tilmaameen cadowgooda.
Dhinaca kale afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku gacan seyray wax lagu qoslana ku tilmaamay eedeynta uga timid Iran, waxa uu sidoo kale xusay in aysan jirin cadeeymo muujinaya in Israa’iil sidoo kale ka dambeysay qaraxyadaasi.
Dalka Iran ayaa waxaa ka socda baroor-diiqda iyo murugada dadka badan ee shalay lagu dilay qaraxyada ka dhacay dalkaasi, ciidamada ammaanka ayaana wada baaritaano ay ku ogaanayaan cidda rasmiga ah ee qaraxyadaasi fulisay iyo waxa loo adeegsaday.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com