Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo garoonka Stadium Muqdisho ka mamnuucday in Ciidamo hubeysan ay gudaha u galaan, si loo ilaaliyo badqabka kumanaanka tageerayaasha kooxaha ee garoonka tagaya.
QQoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ciidamada hubeysan ee ilaalada ah loo diyaariyay goob gaar ah, waxa ayna xustay wasaaradda in amniga garoonka iyo hareerihiisa masuul ka yihiin ciidamada amniga ee goholka Banaadir.