Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka: “Waxaynu aqoonsan nahay gobanimada Soomaaliya & Xuduudihii 1960kii

Dowlada Mareykanka ayaa War ka soo saartay heshiiska is afgaradka ah ee dhexmaray dowlada Itoobiya iyo maamulka Somaliland

Heshiiskan ayaa dhigaya in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal ka madax banaan Somalia, taas bedelkeedna laga kireeyo dhuul badeedka Somaliland qeyb ka mid ah.

Afhayeen u hadlay Wasaarada arrimaha dibeda ee Maraykanka ayaa sheegay in ka dawlad ahaan ay aqoonsan yihiin gobonnimada, midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay ku jiraan xuduudihii 1960kii.

Mareykanka ayaa horey heshiisyo iskaashi ula galay Somaliland inkastoo ay sheegeen ineysan u aqoonsaneyn dal madax banaan oo ka go’ay Somalia.

Dawladda Soomaaliya ayaa is-afgaradka ku tilmaantay mid xadgudub ku ah qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana Soomaaliya ay u yeeratay safiirkeedii Itoobiya.

La-taliyaha amniga qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Itaoobiya Redwan Xuseen ayaa ku sheegay bartiisa X in in is-afgaradku yahay “tallaabo loo qaaday jihada saxda ah.”

Waxa uu sheegay in dawladda federaalka Itoobiya is-afgaradka ay la gaadhay Somaliland uu u gogolxaarayo inay Itoobiya hesho saldhig milatari oo ay ka kiraysato Somaliland.

Midowga Yurub iyo ururka Jaamacada Carabta ayaa ku baaqay in la ixtiraamo madax-banaaniada iyo midnimada Soomaaliya.

Related posts

Booliiska Muqdisho oo qabtay Eedeysanayaal waa weyn oo ka ganacsanayay Maan-dooriye (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Gaas oo faray ciidamada Puntland in ay dagaal u diyaar garoobaan

Cabdi Cade

Saraakiisha ciidankii diidanaa muddo kororsiga oo Sagaal qodob soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---