Allbanaadir.com
NEWS

(Akhriso) Liiska Musharaxiinta doorashada Gudoonka Golaha wakiilada Puntland

Doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland ayaa loo asteeyay in ay qabsoonto Khamiista berri ah oo ku beegan 4 Janaayo 2024.

Saddex Musharrax ayaa si adag ugu loollamaya Doorashada Guddoonka Golaha Baarlamanka kuwaasoo saacadihii u danbeeyay uu xoogaystay Ololahooda.

Saddexda Musharrax ee u tartamaya Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland ayaa kala ah; Cabdirisaaq Axmed Siciid, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Mursal Maxamuud Cabdi.

Musharrax Cabdirashiid Yuusuf Jibriil waxa uu afartii sano ee u dambaysay  hoggaaminayay Baarlamankii shanaad ee Puntland ee uu hadda Mudda xileedkoodu dhammaaday.

Musharrax Mursal Maxamuud Cabdi hadda waa Guddoomiye ku xigeenka Dallada ay ku midaysan yihiin Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA.

Musharrax Cabdirisaaq Axmed Siciid waa Guddoomiyihii hore ee Guddigii KMG ahaa Doorashooyinka Puntland (TPEC), welina ma cadda masuulka ku soo bixi doona.

Hoos ka akhriso musharaxiinta gudoonka iyo ku xigeenada tartamaya.

Related posts

Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo loo beddelo mid QM iyo Midowga Afrika ah

Cabdi Cade

Wasaarada amniga Galmudug oo soo saartay digniin ka kooban 4 qodob (Akhriso)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo war ka soo saartay khilaaf ka dhex aloosan Xiriirka K/Cagta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---