Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo xilal u magacaabay Masuuliyiin cusub (Magacyada)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta u magacaabay Mudane, Xasan Maxamed Cali Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Sidoo kale, waxa uu Ra’iisul Wasaarahu u magacaabay Wasaaradda Waxbarashada afar Agaasimayaal Guud, kuwaas oo kala ah:

1-Dr Cabdullaahi Cabdi Cumar, Agaasimaha Guud ee Waxbarashada iyo Barbaarinta .

2-Maxamed Xasan Mukhtaar, Agaasimaha Guud ee Horumarinta Waxbarashada Farsamada Gacanta & Xirfadaha.

3-Maxamed Cabdullaahi Maxamuud, Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare iyo Hiddaha.

4-Xabiibo Cali Maxamed, Agaasimaha Guud ee Adeegyada Wasaaradda Waxbarashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray mas’uuliyiintan in ay si hufan u gutaan waajibaadka xilalka loo igmaday.

Related posts

Muuse Biixi oo wali diidan in uu la kulmo Qin Jian iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe iyo Xasan Kheyre oo Muqdisho kulan ku yeeshay (Sawirro)

Cabdi Cade

Guddoomiye Mursal oo shir caalami ah kaga qeyb galaya Jordan (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---