Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Macawisley oo toogasho ku dilay Bashiir Ciidle Barre oo ka mid ahaa..

Ciidamada Macawisley ayaa caawa Toogasho ku dilay Bashiir Ciidle Barre oo ahaa mid ka mid ah saraakiisha Alshabaab ee muddo ku sugnaa gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Ninkan ayaa lagu eedeeyey inuu dhowaan dad Shacabka ah ku dilay degaanka Howdley ee Gobolka Galgaduud.

Ninkaan la toogtay ayaa  Al shabaab in mudda ah u qaabilsanaa waxa loogu yeero ururinta Zakawaadka ee Gobalada Galgaduud iyo mudug, waxayna dhawaan u magacaabeen dagaalada inuu Hogaamiyo.

“Horjoogahaan la toogtay ayaa Shacabka dhibaateyn jiray, waxuuna dhawaan xasuuqay dad shacab ah, maanta ayaa la toogtay waxaana laga soo furtay Qoray AK-47 ah, Boosh iyo Moota Fekon, waxaana lagu dilay deegaan hoostaga Degmada Xarardheere” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowlada.

Dilka sarkaalkan ayaa ku soo aaday xili maanta ciidamada Macawisley ay la wareegeen degaanka Caad oo ka mid ah degaano fara ku tiris ah oo Al shabaab ay ka joogeen gobolka Mudug ka dib dagaalo todobaadyo socday.

Related posts

Banaan bax weyn oo looga soo horjeedo Farmaajo oo lagu baaqay iyo xiliga uu dhacayo oo…

Cabdi Cade

Ururo Siyaasadeed oo dhaliil xoogan usoo jeediyay Maamulka Madaxweyne Deni (Akhriso)

Cabdi Cade

Wasiiro & Saraakiil ku baxay ciidamadii saaka ka soo baxay degaano ka tirsan Sh/dhexe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---