Ciidamada difaaca shacab (Macawisley) ayaa gudaha u galay magaalada Istaraatiijiga ah ee Caad oo dhacda Koofurta gobolka Mudug kana mid ah goobihii ugu dambeeyey ee al shabaab ka joogtay koofurta Mudug.
Howlgalka waxaa horkacayay guddoomiye ku xigeenada Xarardheere iyo Ceelhuur iyo masuuliyiin kale waxaana gebi ahaanba Caad iyo nawaaxigeeda iskaga baxay Al Shabaab.
Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawisley ayaa todobaadyadii la soo dhaafay weeraro ku hayey degaanka Caad, iyagoo iska caabin kala kulmayey xoogaga Al shabaab ee haatan degaankaas isaga baxay.
Qabashada degaanka Caad ayaa waxay guul u tahay dowlada Somalia oo dagaal adag kula jirtay sanado badan kooxda Al Shabaab.
Al-Shabaab ayaa haatan gobolka Mudug kaga soo hartay degaanka Jowle oo kaliya ka dib markii ciidamada DF iyo kuwa degaanka oo dagaalo adag la galay ay ka saareen dhamaan degaanadii kale ee ay kaga joogeen gobolka Mudug.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA