Allbanaadir.com
NEWS

Maxay DF kala hadashay danjirayaasha Beesha Caalamka u fadhiya Somalia?

Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS oo maanta Shir isagu yeertay Danjirayaasha Beesha Caalamka ayaa warbixin ka siisay Xaaladda Go’aanka Soomaaliya ee ku wajahan Xadgudubka Itoobiya ee madaxbanaanida dhuleed ee JFS.

Sii hayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS Cali Balcad ayaa Warbaahinta Qaranka  u sheegay in shirka oo muhiim ahaa uu ku saabsanaa in Danjireyaasha caalamka dowladdu gaarsiiso go’aankeeda ku aaddan talaabada xadgudubka ah ee ay qaadday  Xukuumadda Addis Ababa.

Waxaan maanta iskugu yeernay danjireyaasha dalalka caalamka u fadhiya dalkeena si aan warbixin siyaasadeed uga siino xaalada ku soo korortay gobolka gaar ahaan xad gudubka qaawan ee Itoobiya ku sameysay madax banaanida iyo midnimada Somalia” ayuu yiri Cali Balcad.

Sii hayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS Cali Balcad ayaa dhinaca kale faahfaahin ka bixiyey sida uu noqon doono xiriirka Somalia iyo Itoobiya ka dib talaabadii foosha xumeyd ee ay qaaday xukuumada Addis ababa ayuu sheegay in labada dal ay yihiin kuwo deris ah oo ku wada yaalla geeska afrika ayna muhiim tahay iney ku wada noolaadaan, nabad, deris wanaag is xaq dhowr.

Dowladda Soomaaliya ayaa billowday dadaallo diblomaasiyeed oo ka dhan ah is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya, iyadoo madaxda dowlada ay saacadihii u dambeeyey xiriiro la sameynayeen madaxda caalamka iyo kuwa gobolka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Haweenka Sacuudiga oo markii ugu horeysay loo fasaxay iney ciyaaraan Kubada Cagta

Caydiid Ali

Faahfaahino ka soo baxaya qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay Afgooye & Khasaaraha ka dhashay

Caydiid Ali

Wasiirka amniga Jubbaland & Ciidamo uu wato oo gaaray degmada Ceelwaaq (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---