Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Diyaarad Rakaab oo Waqtigii ugu dheeraa hawada ku jirtay oo New Yourk ka degtay (Sawirro)

Diyaarad rakaab oo leedahay shirkada Diyaaradaha Singapore ayaa saacadihii ugu badnaa ku qaadatay duulimaad toos ah ay uga baxday dalka Singapore kuna tagtay magaalada New Yourk ee dalka Mareykanka.

Diyaaradan oo nooceedu yahay A350-900 ayaa jartay masaafo dhan 15,000 oo kiilo mitir ,waxaana duulimaadka aan hakadka laheyn ay ku tagtay magaalada New Yourk ku qaadatay 17 saacadood iyo 52 daqiiqo.

Maamulka Shirkada Singapore Airlines ayaa sheegay in shan sano kadib dib u bilaabeen duulimaadka aan hakadka laheyn ee saacadaha badan la soconayo oo horey loo joojiyay, waxaana diyaaradan la socday 150-qof oo rakaab iyo 17 shaqaale.

Qaar badan oo kamid ah rakaabkii diyaarada saarnaa ayaa sheegay in aysan dareemin saacadaha badan ay hawada ku jireen, waxa ayna diyaaradan laheyd kuraas raaxo leh oo la jiifan karo iyo sidoo kale madadaalo.

Diyaaradan laga leeyahay Singapore ayaa noqotay diyaarada saacadihii ugu badnaa duulimaad sameysa iyada oon hakad galin, waxa ayna rikoorkan kala wareegtay diyaarad ka soo duushay Auckland oo tagtay Doha iyada oo hawada ku jirtay 17 saacadood .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal culus oo degmada Diinsoor ku dhax maray Al Shabaab iyo Ciidamada Itoobiya

Cabdi Cade

Xog cusub oo laga helay dilka Jamal Khashogi & Sirdoonka Maraykanka oo War soo saaray

Caydiid Ali

Iiran oo Weerar aargoosi ah ku qaaday Saldhigyo ciidamada Mareykanka leeyihiin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---