Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay hadalkii maanta kasoo yeeray Xoghayaha fulinta Urur goboleedka IGAD oo walaac ka muujiyey khilaafka ka dhex aloosmay dowladaha Somalia iyo Itoobiya
Dowlada Somalia ayaa sheegtay in hadalka xoghayaha IGAD ay u aragta mid u xaglinaya dowladda Ethiopia, loona baahnaa in IGAD ay cadeyso in midnimada Somalia muqadas tahay.
War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda JFS ayaa lagu yiri” Waxaan ugu baaqaynaa Xoghayaha Fulinta IGAD inuu si degdeg ah raaligelin uga bixiyo hadalkaas, uuna ka qaado talaabada ku habboon
Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu oo u dhashay dalka itoobiya ayaa walaac xoogan ka muujiyay isbedeladii ugu dambeeyay ee ku yimid xiriirka u dhaxeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo dowladda federaalka Soomaaliya (DFS)” sidaas waxaa lagu yiri bayaan kasoo baxay IGAD.
Waxaa Bayaanka sidoo kale lagu yiri: “Marka la eego duruufaha jira, Xoghayaha Fulintu waxa uu u soo jeedinayaa madaxda IGAD in gacanta lagu dhigo, wuxuuna ka codsaday labada waddan ee walaalaha ah in ay iska kaashadaan sidii xaaladda nabad iyo isafgarad loogu xallin lahaa, iyadoo la ilaalinayo qiyamka la wadaago ee mideeya qoyska IGAD”.
Xoghayaha fulinta ee Igad ayaa ku baaqay in madaxda IGAD ay ka fadhiistaan arrinkan isla markaana nabada iyo wada hadal lagu xalliyo khilaafka.
“IGAD waxay weli ku adkaysanaysaa sida ay uga go’an tahay horumarinta nabadda, xasilloonida, iskaashiga, iyo is-dhexgalka gobolka” ayaa lagusoo gabagabeeyay bayaanka.
HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA WASAARADA ARRIMAHA DIBEDA SOMALIA.