Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ku dhowaad boqol qof oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay dalka Iran (Sawirro)

Laba qarax ayaa dilay in ka badan 83 qof, tiro badana way ku dhaawacmeen xaflad ka dhacday Iran oo lagu xusayay taliyihii ugu sarreeyay ciidamada Iran Qassem Soleimani oo lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka 2020.

Telefishinka qaranka Iran ayaa sheegay in qarax koowaad iyo kan labaad ay dhaceen xilli ay socotay munaasabada sanad guurada dilka taliyaha oo ka dhacday qabuuraha uu ku aasan yahay Soleimani ee ku yaala koonfurta bari ee gobolka Kerman.

“Qaraxyadu waxay ka dhasheen weerarro argagaxiso,” ayay warbaahinta dowladdu ka soo xigatay mas’uul maxalli ah oo ku sugan gobolka Kerman.

Babak Yektaparast, oo ah afhayeenka ciidamada gurmadka degdega ah ee Iran, ayaa la sheegay in markii dambe uu sheegay in 83 qof ay dhinteen, 170 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wakaaladda wararka ee Nournews ayaa goor sii horeysay sheegtay in dhowr haamood oo gaas ah ay ku qarxeen wadada aada xabaalaha.

TV-ga Qaranka ayaa soo bandhigay samatabbixiyeyaashii Bisha Cas oo ka qayb qaadanayay dad dhaawac ah oo xafladda ku sugnaa, halkaasoo ay isugu soo baxeen boqolaal Iiraaniyiin ah si ay u xusaan sannad-guuradii dhimashada Soleimani. Qaar ka mid ah wakaaladaha wararka Iran ayaa sheegay in tirada dadka dhaawacmay ay intaas ka badan tahay.

“Kooxahayada jawaabta degdega ah waxay daad gureynayaan dadka dhaawacmay… Laakiin waxaa jira mowjado dadweyne ah oo xiray waddooyinka,” Reza Fallah, madaxa bisha cas ee gobolka Kerman ayaa u sheegay TV-ga dowladda.

Related posts

Kenya: “DF Somalia waxay ku soo xad gudubtay dhulka iyo madax-banaanida dalkeena”

Caydiid Ali

Duqeyn Khasaaro Dhimasho sababtay oo ka dhacday Shabeelaha Hoose

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Sheekh Kenyaawi (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---