Dowladda Soomaaliya ayaa wada dedaalo diblumaasiyadeed ay uga hortageyso damaca dowladda Itoobiya ku dooneyso in ay hesho qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, kaddib heshiiskii Adis Ababa ku gaareen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.
Madaxda dalka ugu sareeya ayaa saacadihii lasoo dhaafay waday dedaalo dib lumaasiyadeed, waxa uuna madaxweynaha Soomaaliya xiriiro la sameeyay madax kala duwan iyo qaar kamid ah waddamada daneeya arrimaha Soomaaliya.
Kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Balcad ayaa xalay kula kulmay Nairobi Madaxweynaha Kenya Wiliam Ruto, waxa uuna wasiirka kala hadlay Ruto xaalada soo korortay gaar ahaan xad-gubka ay dowladda Itoobiya wado.
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa garab istaag u muujiyay Soomaaliya, waxa uuna adkeeyay muhiimadda madax bannaanida iyo dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo la dhowrayo axdiyada caalamka u degsan.
Masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Soomaalkiya ayaa la filayaa in ay la kulmaan wakiillo katirsan beesha caalamka iyo madax kale, kuwaa ay kala hadli doonaan xad-gudbka iyo damaca waalida ah ee ku jira dowladda Itoobiya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com