Allbanaadir.com
NEWS

Safiirka Somalia ee Itoobiya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga Safiirnimo laga gudoomay (Sawirro)

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Itoobiya, Mudane Cali Shariif Axmed, ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Dr. Workneh Gebeyehu.

Kulanka oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya waxa uu sheegay in ay jirto yididiillo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya laba dal ee walaalaha ah ee leh taariikh fog si looga dhabeeyo rabitaanka labada shacab ee Soomaali iyo Itoobiya.

Dhankiisa, Danjire Cali Shariif ayaa boggaadiyay xiriirka xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo rabitaanka guud ee labada dhinac ee lagu qoto dheereynayo xiriirka iyo iskaashiga oo dhinacyo kasta leh.

Mudane Cali Shariif ayaa sidoo kale gudbiyay farriin salaan ah uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda, Xukuumadda iyo dhammaan hey’adaha dowladda oo ku socotay Dowladda iyo Shacabka Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Xirnaa Xijaab iyo Indho Shareer oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Rooble oo arrimo ay ku jiraan Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ah kala hadlay Tiina Intelmann (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo:-Tartamaha xisbiga Dimuqraadiga oo Amaankiisa aad loo adkeeyay & Qaxooti badan oo ku soo qaxay Soomaaliya !!

admin
Taboola Ads ---