Allbanaadir.com
NEWS

Bannaan bax weyn oo maanta ka dhacay Muqdisho iyo madax ka qeyb gashay (Sawirro))

Waxaa maanta garoonka kubadda Cagta Eng Yariisow ee magaalada Muqdisho ka dhacay bannaan bax balaaran oo looga soo horjeeday heshiiska magaalada Adis Ababa ku gaareen Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.

Bannaan baxa waxaa ka qeyb galay wasiirro katirsan xukuumadda Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Banaadir, xubno katirsan kuxigeennadiisa, guddoomiyaal degmo, saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dadka kasoo qeyb galay bannaan baxa oo ka kala yimid magaalada Muqdisho iyo daafaheeda ayaa watay astaanta Calanka Soomaaliya iyo sidoo kale qoraalo iyo halku dhigyo ay ku diidan yihiin in Itoobiya qaadato qeyb kamid ah badda Soomaaliya.

Wasiirrada , guddoomiyaha gobolka iyo masuuliyiinta kale ee ka hadashay bannaan baxa ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in badda Soomaaliya Itoobiya qaadato, waxa ayna xuseen in dalkooda ka difaacayaan cadaw kasta oo soo hujuuma.

Madaxda ayaa shacabka ugu mahadceliyay dareenka wadani-nimo iyo sida ay shucuurtooda u cabireen ,iyagoona sheegay in aan marnaba la aqbali karin xad-gudub lagu soo sameeyo dhulka Soomaaliya, isla markaana ugu baaqay Dowladda Ethiopia in ay ka fiirsato talaabooyinka qaldan oo ay qaadeyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay dadaalo ay sameesay Xukuumada Kheyre (Sawirro)

Cabdi Cade

Nin Dil u geestay Gabar iyo Hooyadeed oo la xiray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ilhan Cumar oo ku guuleysatay wareeg doorasho cusub oo ka dhacday Maraykanka

Caydiid Ali