Allbanaadir.com
NEWS

Saddex Musharax oo ku loolamaya guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland

Magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland waxaa ka socda olole xooggan oo ay wadaan musharaxiinta u taagan xilka guddoonka golaha Wakiillada maamulka Puntland iyo musharaxiinta kale ee u taagan xilka madaxweynaha.

Doorashada guddoonka golaha Wakiilada Puntland ayaa lagu wadaa in ay dhacdo  Khamiista berri ah oo ku beegan 4 Jan 2024, waxaana ilaa hadda xilka isku soo sharaxay dhowr musharax oo isku soo taagay.

Musharaxiinta ugu cad cad ee u taagan xilka guddoomiyaha golaha Wakiillada ayaa waxaa kamid ah  Cabdirisaaq Axmed Siciid, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Mursal Maxamuud Cabdi, saddexdan musharax ayaana olole xooggan kawada Garawe.

Waxaa ku jira musharaxiintan u taagan xilka guddoomiyaha golaha Wakiillada Puntland  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ahaa guddoomiyihii golaha Wakiillada ee waqtigooda dhammaaday, halka sidoo kale sharaxan yahay Cabdirisaaq Axmed Siciid waa Guddoomiyihii hore ee Guddigii KMG ahaa Doorashooyinka Puntland (TPEC).

Doorashada guddoonka golaha Wakiillada ee beri lagu wado in ay dhacdo ayaan la ogeyn sida ay u aqbali doonaan musharaxiinta mucaaradka iyo Isimada Puntland qaarkood oo qaadacay xildhibaannadda lasoo xulay oo ay ku jiraan kuwa matelaya beesha Dhulbahante.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Doorasho Qof iyo Cod ah oo saakay ka bilaabatay Puntland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dil Caawa ka dhacay magaalada Kismaayo iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Xisbiga Waddani oo War kasoo saaray Heshiiska Muuse Biixi iyo R/W Abiy Axmed

Cabdi Cade