Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga oo lagu xiray dad badan u shaqeynayey Sirdoonka Israel ee Mossad

In ka badan 30 Eedeysanayaal ayaa shalay oo Talaado aheyd lagu qab qabtay sideed Gobal oo ka tirsan dalka Turkiga, dadkan la xir xiray ayaa la sheegay in ay qorsheynayeem inay beegsadaan dadka Shisheeyaha ku nool Turkiga.

Xafiiska Dacwad-Oogaha magaallada Istanbul ayaa soo saaray Amar lagu soo xirayo 46 Eedeysane oo u shaqeynayey Hay’adda Sirdoonka Israel ee Mossad.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga, Ali Yerlikaya ayaa soo bandhigsy Muuqaalka Video-ga ee Hawlgalka Wadajirka ee ay fuliyeen Boliska iyo Hay’adda Sirdoonka Turkiga (The National Intelligence Organization (MIT).

Wasiirka waxa uu xusay in Hawlgalkaasi lagu soo qabtay 33 Eedeysane iyo lacag aad u fara badan oo dhan 143,000 oo EURO iyo in ka badan 23,000 oo Dollarka Maraykanka.

Sidoo kale, Hawlgalkaasi waxaa lagu qabtay Hal Bistoolad iyo rasaas aad u badan.

Dhanka kale, lama shaacinin dalalka ay ka soo jeedaan 33-ka Eedeysane ee la qabtay iyo kuwa kale ee lagu raad joogo

Eedeysanayaasha la qabtay waxay Sirdoonka Israel ee Mossad kula xiriiri jireen Baraha Bulshada.

Ilo-wareedyo ka tirsan Sirdoonka Turkish-ka oo bishii hore la hadlay Wakaallada Wararka ee Anadolu News Agency waxay ka digeen in Sirdoonka Israel ee Mossad qorshaynayso Isku-day ay ku khaarijinayaan Xubnaha ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Wax Iska Caabinta ee XAMAAS ee ku sugan gudaha dalka Turkiga.

Madaxa Hay’adda Ammaanka Gudaha Israel ee SHIN BET, Ronen Bar waxa uu horey u shaaciyey inay ugaarsan doonaan Xubnaha Madaxda Ururka XAMAAS ee ku sugan dalalka Lubnaan, Turkiga iyo Qatar.

W/T Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad la soo taagay 17 nin oo loo heysto kufsiga gabar 11 jir ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

AMISOM oo looga digay in loo adeegsado doorashada Jubbaland & war Gaalkacyo laga soo saaray

admin

(Akhriso) Cali Guudlaawe oo soo saaray wareegto Ma’suul cusub lagu magacaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---