Soomaaliya ayaa diidmo xooggan ka muujisay heshiis la sheegay in Itoobiya ay ku heli karto deked muhiim ah oo ku taalla Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.
Iyadoo laga jawaabayo heshiiska is-afgarad, dalku wuxuu si degdeg ah ugu yeeray safiirkiisii Itoobiya.
Afhayeen u hadlay xukuumadda ayaa sheegay in ay si adag u diideen soo jeedinta ku xad-gudubka ah ee qaranimadeeda iyo madax banaanideeda, Soomaaliya waxa ay Somaliland u aqoonsantahay qayb ka mid ah dhulkeeda.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa yiri: “Waxaan rabaa in aan dadka Soomaaliyeed u sheego in ay is dejiyaan, waxaan rabaa in aan u caddeeyo in ay naga go’an tahay in aan difaacno dalkeena. Dhulkeena, baddeena iyo hawadeena, qayb ka mid ah laguma xad gudbi karo, si kasta oo sharci ahna waanu u difaacaynaa. Waxaanan hubaa anagoo kaashanayna shacabkeena hadii ay joogaan waqooyi iyo hadday Koonfur joogaanba inaan awoodno inaan dalkeena difaacanno”.
Somaliland waxa ay sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya 1991-kii, balse caalamka uma aqoonsana dal madax-bannaan, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika. Sidaa darted, dad badan ayaa qaba tilaabo kasta oo loo qaaday dhinaca aqoonsi rasmi ah, gaar ahaan ka timaadda waddan leh awoodda Midowga Afrika sida Itoobiya, waxay muhiim u noqon kartaa mustaqbalkeeda.
Waxaa muuqata in hadda, uusan jirin wax heshiis ah oo si sharci ah loo sameeyay. Ma jiro heshiis. Inkasta oo saraakiisha dawladda Itoobiya ay warbaahinta u sheegeen in la dhamaystiri karo bisha soo socota.
Su’aal kama taagna in heshiis kasta uu Itoobiya siinayo fursad ay ku hesho gees istaraatiiji ah oo faa’iido badan u leh oo adduunka ah. Haddaba maxay uga dhigan tahay deriskeeda?
Itoobiya
Ka shaqeynta ama helintaanka 20km oo xeebta ah ayaa laga yaabaa in aanay u ekaan wax weyn laakiin Itoobiya oo aan bad lahayn, helitaanka dekedd waxay muhiim u tahay badbaadadeeda dhaqaale. Waa dalka ugu dadka badan adduunka ee aan lahayn xeeb, tani waxay soo bandhigaysaa caqabado muuqda oo dhinaca koboca waddanka ah.
In ka badan 95% ganacsiga caalamiga ah ee Itoobiya waxa uu ku tiirsan yahay dalka deriska ah ee Jabuuti, kaas oo leh 31km oo xeeb ah. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ku tilmaamay baahida dalkiisa ee helitaanka deked dheeraad ah arrin “muhiim ah”, wuxuuna ku dooday khudbad uu ka jeediyay telefishinka bishii Oktoobar ee sannadkii hore in dekedda Badda Cas ay lagama maarmaan tahay in ay 120 milyan oo muwaadiniin ah ka saarto “xabsiga dhuleed”
Ganacsigu ma noqon karo halkaas qodob oo kaliya. Dalku waxa uu ahaan jiray quwad baddeed oo leh laba dekedood oo kala ah Massawa iyo Assab. Hase yeeshee Itoobiya waxay dhulkaas xeebaha ah ku wayday markii ay Eritrea ka go’day oo ay noqotay dal cusub 1993-kii.
Sida laga soo xigtay safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyay Itoobiya David Shinn, sababta koowaad ee Itoobiya ay u gashay heshiiska badda cas ee Somaliland waa in laga sameeyo xarun ciidan oo badda cas ah ama gacanka cadmeed.
Waxa uu u sheegay barnaamijka Newsday ee BBC-da: “Somaliland waxa ay sheegtay in 20 kiiloomitir ee xeebta ah ee ku teedsan gacanka cadmeed ay ka kireynayso Itoobiya si ay u samaysato goob noocaas ah. Waxa kale oo loo malaynayaa in la isticmaali doono, ama ugu yaraan loo ogolaan doono Itoobiya in ay isticmaasho dekedda Berbera oo ah deked muhiim u ah Somaliland, si ay ugala soo degto ugana dhoofiso badeecadeeda. Inkastoo aanan taas loo arkin arkin sababta koowaad ee tan. Waxaan u maleynayaa inay aad ugu xiran tahay rabitaanka in la helo xarun ciidan.”
Michael Shurkin, oo saaxiib la’ah Xarunta Afrika ee Atlantic Council’s ayaa yiri: “Waa khatar kale oo ku wajahan Itoobiya, iyo sare u kac xagga Eriteriya ah, waxaa dheer in ay Somaliland siiso aqoonsi ay u qalanto, dabcan, waxa ay ka caraysiisay Soomaaliya, laakin taasi waa ka khatar yar marka loo eego Eritrea.”
Soomaaliya
Dadka siyaasadda Soomaaliya u dhuun daloola ayaa aaminsan in tallaabadan ay halis gelin karto xasiloonida gobolka Geeska. Waxa ay ku soo beegantay maalmo un kadib markii ay Soomaaliya iyo Somaliland gaareen horumar ku aaddan dib u bilaabitaanka wada hadalladii lagu xalinayey xurgufta siyaasadeed. Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Somaliland Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in heshiiskan la soo jeediyay uu muujinayo sida aysan Itoobiya u ixtiraameynin xeerarka caalamiga ah.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ku sheegay, in heshiiska uu yahay “walaac xooggan oo Soomaaliya iyo Afrika oo dhan ah”. Waxa uu intaa ku daray: “Ixtiraamka madax-bannaanida iyo wadajirka dhulku waa tiirka xasilloonida gobolka iyo iskaashiga laba geesoodka ah. Dowladda Soomaaliya waa in ay si habboon uga jawaabto arrinkan.”
Maxamed Mubaarak guddoomiyihii hore ee machadka Hiraal, ahna hay’ad cilmi baaris ku sameysa arrimaha ammaanka Geeska Afrika ayaa sheegay in kumannaan askari oo Itoobiyaan ah ay ku sugan yihiin Koonfurta Soomaaliya. Haddii xiriirku xumaado, waxaa laga yaabaa in Itoobiya ay kala baxdo, taasoo ka sii dari karta ammaanka goobahaas.
“Abiy waxa uu sheegayey muddo bilo ah in uu sugi doono marinka badda ee Itoobiya,” ayuu yiri Mubarak. “Taasi waa waxa sababta uu u sameeyay heshiiskan. Wuxuu diyaar u yahay inuu sameeyo wax kasta oo ay ku qaadato, iyada oo aan loo eegin saameynta ay ku leedahay nabadda iyo xasilloonida gobolka.”
Kenya
Waddamada ay Itoobiya kala hadashay sidii ay u heli lahayd deked waxaa ka mid ah Kenya. Bishii Agoosto 2023-kii, saraakiisha Itoobiya ayaa booqday dekedda Lamu. Dekeddu waxay qayb ka tahay mashruuca gaadiidka gobolka ee u dhexeeya Itoobiya, Kenya, iyo Koonfurta Suudaan oo lagu magacaabo LAPSSET.
Iyada oo loo marayo Lamu, Kenya ayaa la filayaa in ay hoos u dhigto saamiga Jabuuti ee baahida gudaha ee Itoobiya 15% sida lagu sheegay Warbixin uu soo saaray Bangiga Adduunka. Markaa heshiis kasta oo deked ah oo ay Somaliland la gasho ama dib u dhigista balaarinta Lamu waxay keeni kartaa in qorshahaas Kenya uu lumiso. 2020-kii, Soomaaliya waxay si kooban u jartay xiriirkii ay la lahayd Kenya, kadib markii ay martigelisay hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi. Kenya ayaa sheegtay inay Somaliland u aqoonsan tahay maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya, balse sida Itoobiya oo kale ayay Kenya qunsuliyad ku leedahay Hargeysa.
Masar
Doorka muhiimka ah ee xeebta Badda Cas, Masar ayaa leh tirada ugu badan ee dekedaha oo ay ku jiraan 8 dekedood oo ganacsi ah iyo shan batroolka, macdanta iyo dekedaha dalxiiska ah. Waxaa gobolka ka jiray walaac ku saabsan muddada uu RW Abiy Axmed doonayo in uu galo badda cas. Waxaa laga soo xigtay isagoo ku tilmaamay gelitaanka “arrin jira”. Falanqeeyayaasha ayaa ku doodaya in aragtidiisa arrintani aysan aad uga duwanayn kuwii markii uu go’aansaday inuu sii wado dhismaha biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (Gerd). Heshiis 1929-kii ah ayaa Masar iyo Suudaan siinaya xuquuq ku dhawaad dhammaan biyaha webiga Niil ah, laakiin Itoobiya iyo Masar ayaan weli ku heshiin xeerarka socodsiinta biyo-xireenkan. Waddada Berbera soo marta waxay keeni kartaa in Itoobiya ay ku biirto dalal badan oo ay ku jirto Masar, kuwaas oo dhaqaalahooda si weyn uga koriyay marinka Badda Cas.
Jabuuti
Waddan yar oo Afrikaan ah ayaa marin u ah kanaalka Suez, oo ah mid ka mid ah marinnada maraakiibta ugu mashquulka badan adduunka. Dekeddeeda qiimaha leh waa dhuunta dhaqaalaheeda, taasoo bixisa isha ugu weyn ee dhaqaale iyo shaqo ee dal kale oo fadhiid ah.
Shiinaha
Dhinaca kale, Shiinuhu waxa uu sidoo kale aad u danaynayaa heshiis kasta, Somaliland waxa ay taageero ka heshay Taiwan, taas beddelkeedana Shiinuhu waxa uu taageeray Soomaaliya. Isku-duubnida 2020-ka, Somaliland iyo Taiwan waxa ay samaysteen xiriir diblomaasiyadeed oo ka caraysiiyey dalalka waaweyn. Labaduba waa kuwo aan aqoonsi caalami ah haysan, labaduba waxay leeyihiin deris ay sheegeen in ka go’een, waa Soomaaliya iyo Shiinaha, kuwaas oo ku adkaysanaya in ay qayb ka yihiin dhulalkooda.
Xogasho BBCSOMALIA
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com