Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo Wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo xogta waxii ay kawada hadleen

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamiim Binu Xamad oo ay ka wada hadleen xaaladda gobolka iyo arrimaha hortabinta u leh Labada dal.

Labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Qatar ayaa dul-istaagay xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo, si loo xoojiyo iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Sida aan xogaha ku heleyno Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Amiirka dalka Qatar kala hadlay xaalada kusoo korortay Soomaaliya , gaar ahaan heshiis beenaadka ay Adis Ababa ku gaareen Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaana Amiirka dalka Qatra ka codsaday in Soomaaliya ku garab istaagaan ilaalinta midnimadooda dhuleed, sidoo kale cambaareeyaan xad-gudbka dowladda Itoobiya ku dooneyso qaadashada biyaha Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa taageero caalami ah u raadineysa sidii dowladda Itoobiya looga hor-istaagi lahaa damaceeda guracan ee ku dooneyso in ay ku qaadato qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, si ay u hesho dekad ay iyadu maamusho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kaluumeesato Kenyan ah oo lagu qasbay in ay Cunaan Kaluun Ceyriin ah iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Wararkii u dambeeyey dagaal Maalintii 8aad galay oo ka socda Magaalada Laascaanood

Caydiid Ali

Golaha Wasiirrada Somalia oo ka dooday labo qodob oo xasaasi ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---