Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo la hadlay dhigiisa Masar ka dib heshiiskii Itoobiya & Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia labada hogaamiye ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Labada shacab ee walaalaha ah.

“Labada Madaxweyne ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha wadajirka ah ee gobolka” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xili dowlada Somalia ay ka soo horjeesatay heshiis is afgarad oo dhexmaray itoobiya iyo maamulka Somaliland kaasoo dhul badeed lagu siinayo Itoobiya, halka itoobiya dhankeeda ay aqoon si siineyso Somaliland.

Masar ayaa khilaaf weyn oo muddo dheer soo jiray waxaa uu kala dhexeeya Itoobiya kaasoo salka ku haya biyo xireenka Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile iyo sida loo qeybanayo biyaha webigaas oo udub dhexaad u ah nolosha malaayiin Masaari ah.

Related posts

Daawo :-Saameynta iyo dhibaatada ka dhalatay Fatahaada wabiga Shabelle iyo barakac xoogan oo ka dhashay !!

admin

Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay Doonyo iyo Hub sharci daro ah (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Qax ka bilowday gobol katirsan Mareykanka iyo Madaxweyne Biden oo Digniin…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---