Allbanaadir.com
NEWS

Duqeyn lagu dilay sarkaal ka tirsan Xamaas oo ka dhacday Magaalada Beirut

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa lagu dilay qaraxa ka dhacay duleedka koonfureed ee magaalada Beirut ee dalka Lubnaan, sida ay ku warameen wakaaladaha wararka ee AFP iyo Reuters oo soo xiganaya ilo dhanka amaanka ah.

warbaahinta dowladda Lubnaan ay sheegtay in qaraxa uu ka dhashay duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil soo rideen

Xamaas ayaa hadda xaqiijisay geerida ku xigeenka madaxa xafiiskeeda siyaasadda, Salex Al-Arouri, oo ku dhintay qaraxa koonfurta Beirut.

Al-Arouri ayaa sidoo kale la ogaa inuu si qoto dheer ugu lug lahaa arrimaha ciidamada Xamaas.

Afar qof ayaa ku dhimatay qaraxaas oo ka dhacay xafiiska Xamaas ee xaafad ku taal koonfurta caasimadda Lubnaan.

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan Najib Mikati ayaa u arka duqeynta Israa’iil ee xafiiska Xamaas ee koonfurta Lubnaan “ka qayb ahaanshaha” dalkiisa ee dagaalka Israa’iil.

Related posts

Fursad Qaaliya! Dugsiga Amiin Quran Online oo arday cusub dinwaangalinaya bishan September.

Cabdi Cade

Heshiisyo is-afgarad oo Soomaaliya la gashay Turkiga iyo Itoobiya oo la ansixiyay

Cabdi Cade

Booqashada Rooble ee Kismaayo oo xujo looga dhigay Gedo & Galmudug oo waji kale yeelatay

admin
Taboola Ads ---