Allbanaadir.com
NEWS

Prof. Saciid Ciise: “Qorshaha Itoobiya waxaa gadaal ka riixaya taageero dibadeed”

Itoobiya waxey go’aansatay iney sanadka cusub ee 2024 ay Soomaaliya la gasho dagaal siyaasadeed oo ujeedadeedu ay tahay in madaxda dowladda Soomaaliya ay indhahooda u soo jeediyaan xiriirka saaxiibtinimo oo gaabsi sii noqonaya waana astaan muujineysa in Itobiya dareemeyso in Soomaaliya ay ka sii fogaaneyso oo ay ku sii durkeyso wadamo Itoobiya ay ka qabto caadifad isfaham daro.

Waxaa la gudboon madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iney sida ugu dhaqsiyaha badan ay wefdi ugu diraan dowladda Itoobiya oo go’doon siyaasadeed ay ka heysato geeska Africa, sidaasna loogu baahan yahay in loo adeegsado diblomasoyad Itoobiya lagu soo caro jibiyo.

Waxaa dowladda Soomaaliya looga baahan yahay ineysan ku fududaan go’aan qaadasho marka hore aysan horudhac u ahayn wadahadal diblomaadiyadeed, waxaana haboon in laga fogaado go’aano caro lagu qaato.

Inta badan dabinada siyaasadeed waxaa looga gudbaa xeelad diblomaadiyadeed, waxaana laga dhowrsadaa marin lagugu talogalay in lagu marsiiyo inaad ku dhacdid adigoo qiiro laab lakaca ku jidbeysan. Marka ay dhacdo in lagugu soo qaado dagaal siyaasadeed waxaa loo baahan yahay inaad ogaatid in daandaansiga lagugu bartilmaameedsanayo uusan wadan keliya wadan, balse wadanka la adeegsanayo ay ka dambeeyaan xulafo la ujeedo ah, sidaas Daraadeed aad loogu baahan yahay inta aadan tilaabo qaadin inaad ogaatid wadamada daaha gadaashiisa ka riixaya qorshaha Itoobiya.

Midna ogow Itoobiya weligeed ma gasho dagaal iyadoo aan xaqiijin haysashada taageero dibadeed. Soomaaliya waxaa la gudnoon in daandaansiga ka soo yeertay Itoobiya aysan fududeysan, isla markaasna ay mowqifkeeda u raadiso caalamka taageero haddii Itoobiya ay ka dhego adeegto wadaxaajoodka diblomaasiyadeed oo sida tooska ah ay ula geleyso madaxa Itoobiya.

Soomaaliya waa iney ka fogataa siyaasad Keli duula iney ku gasho dagaal siyaasadeed. Inta aan la gaarin go’aan degdega waa in fursad la siiyaa wadahadal diblomaadiyadeed oo Geedi socda si aad wakhti ugu heshid inaad u diyaar garowdid xalka ugu wanaagsan inaad ka qaadatid ugu dambeysta, adiga oo fursad u helaya inaad iska soo xirtid furimaha gudaha kaaga furan.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

Related posts

Ciidamada Ukraine oo 1,000 km gudaha u galay dalka Ruushka

Cabdi Cade

Guri ku yaalla deg. Xamar-weyne oo caawa soo dumay & Khasaare ka dhashay (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaannada Digil iyo Mirifle oo tallaabo adag ku hanjabay haddii…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---